Home Wararka Ciyaaraha Wakiilka Robert Lewandowski oo xaqiijiyay rabitaanka uu ugu biirayo kooxda Barcelona

Wakiilka Robert Lewandowski oo xaqiijiyay rabitaanka uu ugu biirayo kooxda Barcelona

0

Wakiilka weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu doonayo inuu fuliyo riyo cimrigiisa oo dhan ah isagoo u saxiixaya Barcelona .

Mustaqbalka 33-sano jirkaan ayaa ahaa mowduuca dood badan ka taagnaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo qandaraaskiisa Allianz Arena uu dhacayo 2023-ka.

Wadahadalada la sheegay ee ku saabsan heshiis kordhinta ayaan keenin wax tanaasul ah, Lewandowski ayaana dhawaan xaqiijiyay inuusan qalinka ku duugi doonin heshiis kordhin uu kula jiro kooxda heysata horyaalka Jarmalka.

Bayern ayaa sidaas darteed wax ka yar 18 bilood ku waayi karta ciyaaryahankii hore ee Borussia Dortmund, gaar ahaan Oliver Kahn iyo Hasan Salihamidzic oo ku adkeysanaya inaan la iibin doonin xagaagan.

Barcelona ayaa loo malaynayaa in ay hogaaminayso safka loogu jiro saxiixa Lewandowski waxana la filayaa in ay miiska saarto dalab furan oo dhan 32 milyan oo euro (£27m) si ay isugu dayaan in ay tijaabiyaan go’aanka Bayern.

Previous articleErik ten Hag oo qabtay Shirkiisa Jaraa’id ee ugu horeeyay isagoo ah Tabaraha Man United
Next articleDaafaca West Ham Zouma oo lagu soo oogay Saddex dambiyo oo kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here