Home Wararka Ciyaaraha Wakiilka Toni Kroos oo Soo Bandhigay Lacagta ku Baxeysa Helitaanka Erling Braut...

Wakiilka Toni Kroos oo Soo Bandhigay Lacagta ku Baxeysa Helitaanka Erling Braut Haaland

0

Toni Kroos wakiiliisa Volker Struth , ayaa wuxuu ka hadlay qiimaha loo maleeyo inay ku Baxeyso Xidiga  Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland hadii uu ka tagayo Garoonka Signal Iduna Park qaado.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Norway iyo Dortmund ayaa weli ah mid la saadaalinayo, iyadoo ay jiraan kooxo badan oo kale oo Yurub ah oo ay ku jiraan Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United.

Haaland qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda Marco Rose waxa uu dhacayaa ilaa xagaaga 2024 waxana uu sii wada in uu u sii joogo kooxda reer Germany isaga oo u dhaliyay 13 gool 10 kulan oo uu saftay bilawgii ololahan.

Struth wuxuu rajeynayaa in wareejinta 21-sano jirkaan loo dhameystiro dhamaadka xilli ciyaareedkan, wuxuuna u sheegay COPE : “Haaland waxay heestaa qandaraas lagu burburin karo. 250m ilaa €300m.

“Xitaa hadii Bayern Munich ay lacagta heysan laheyd ma ay sameyn laheyn, qarashkan oo dhan.

Rikoorka gool dhalinta Haaland ee Borussia Dortmund ayaa ah 70 gool 69 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray Janaayo 2020

Previous articleMacalinka ugu Horeeyay oo Sheegay inuu Doonayo Qabashada Tabaranimo ee Kooxda Newcastle United
Next articleMudadad uu Garoomada Ka Maqnaanayo Raphael Varane oo Lagu Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here