Theo Walcott ayaa aaminsan in Arsenal ay ahayd in ay Chelsea kula tartanto saxiixa Pedro Neto xagaagan ka dib qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Stamford Bridge Axadii.
Ka dib markii Gabriel Martinelli uu hogaanka u dhiibay Gunners qeybtii labaad ee ciyaarta, Neto ayaa kubad ka soo tuuray meel fog ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday kubada.
Goolka ayaa ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu xiddiga reer Portugal u dhaliyay chelsea premier League xilli ciyaareedkan.
Kadib markii ay 54 milyan kagala soo saxiixatay Wolves, xiddiga 24 jirka ah ayaa noqday xiddig muhiim ka ah kooxda.
Walcott ayaa aaminsan in Neto yahay laacib hibo u leh inuu ka ciyaaro boos walba oo dhanka weerarka ah.wuxuu goor sii horreysay isku muujiyay kooxdiisii hore ee Wolves asagoo si yaab leh usoo jiitay indhaha kooxaha waa weeyn.
“Marka aan ka hadalno Neto, waa xiddig ay Arsenal u baahanayd saxiixiisa”ayuu Walcott yiri.
“Waxa ay ahayd in ay Arsenal la soo saxiixato isaga marka la eego in uu yahay xiddig ku soo baxaya shax kasta”.