Home Suuqa Kala iibsiga Wan-Bissaka Oo Man United U Qishay Halka Waddo Ee Uu Uga Tagayo...

Wan-Bissaka Oo Man United U Qishay Halka Waddo Ee Uu Uga Tagayo Kooxda Xagaagan.

0

Ka Tagistii Aaron Wan-Bissaka ee Man United ayaa hakad gashay kadib dalab uu gudbiyay xiddiga laftiisu.

Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

West Ham ayaa ogolaatay in ay Aaron Wan-Bissaka ka bixiso lacag dhan 21 milyan oo euro suuqa xagaagan.

Laakiin xiddiga ayaa dalbanaya lacag mushahar ah oo aad u badan si uu uga tago kooxda Man United xagaagan.

Wan-Bissaka hadda waxa uu Man Utd ka qaataa €105,000 todobaadkii waxana uu doonayaa in loo kordhiyo mushaharkaas si uu uga tago kooxda.

Si kasta ha ahaatee West Ham ayaa diidan in ay bixiso lacagta uu xiddigu dalbanayo sabab la xidhiidha in aanay awood u lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here