War Cusub oo kasoo kordhay xaalada dhaawacii kabtan Karim Benzema kahor kulanka ay Axada

Kooxda Real Madrid iyo jamaahiirteeda ayaa war ka helaya xaalada dhaawacii kabtan Karim Benzema kahor kulanka ay Axada la ballansan yihiin dhigooda Osasuna.

Benzema ayaa maqnaa tan iyo kulankii ay Real Madrid 6-dii bishan September guusha kasoo gaadhay Celtic ciyaar Champions League ah, walow kooxda difaacanaysa La Liga ay soo guuleysatay dhammaan kulamadii ay mudadaas ciyaartay haddana Karim ayaa wali muhiim ka ah qorshaha tababare Carlo Ancelotti.

Sida lagu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Karim ayaa wakhtigii kulamada caalamiga ah u qaatay fursad uu uga faa’idaysto kasoo kabashada dhaawaca haleelay.

Benzema ayaa wakhti ku qaatay xerada tababarka Real Madrid ee Valdebebas isagoo muhiimad gaar ah siiyay inuu jilibkiisa oo ah halka uu ka dhaawacmay xoojiyo kahor koobka aduunka.

Haatan Benzema ayaa diyaar u ah inuu xiddigaha kale ee kooxdiisa tababarka buuxa kula biiro isagoo lagu wado inuu taam u noqdo kulanka Osasuna.

Los Blancos ayaa October galaya kulamo badan oo muhiim ah oo ay kamid yihiin kuwa Champions League iyo kulanka El-Clasico ee ay Barcelona qaabilayaan 16-ka October.

Benzema ayaa ahaa mid kamida sababihii ay Madrid xilli ciyaareedkii hore ugu soo guuleysatay Champions League iyo La Liga labadaba isaga oo 45 kulan 44 gool iyo 15 caawimo kusoo sameeyay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*