Home Wararka Ciyaaraha War Cusub: Ousmane Dembele oo lagu wargaliyay inuu ka tago kooxda Barcelona

War Cusub: Ousmane Dembele oo lagu wargaliyay inuu ka tago kooxda Barcelona

0
Ad

Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Mateu Alemany ayaa u sheegay Ousmane Dembele inuu “baxo”.

Dembele ayaa u sheegay Barca inuusan cusbooneysiin doonin qandaraaskiisa, sida uu sheegay Alemany, kaasoo maanta shaaca ka qaaday in weeraryahanka France uu u baahan yahay inuu si degdeg ah u baxo.

Ad

Newcastle, Chelsea iyo Manchester United ayaa xiriir la leh xidigan, Barca ayaa diyaar u ah inay iska iibiso weeraryahanka.

“Waan fahansanahay in Dembele uu go’aansaday inuusan Barca sii joogin, waxaana ku dhawaaqnay go’aankeena inaanan dooran,” Alemany ayaa sidaasi sheegay sida laga soo xigtay Goal .

“Waxaan dooneynaa ciyaaryahano ay ka go’an tahay kooxda, waxaana u sheegnay inay tahay inuu ka tago kooxda sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan filaynaa in Ousmane la iibin doono ka hor Janaayo 31.”

Previous articleChelsea oo sheegtay in aanay rabin inay Aqbasho Qiimaha Eden Hazard uu dalbanayo
Next articleWar Deg Deg Ah: Manchester United oo ku wargelisay Barcelona Xiisaha Ousmane Dembele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here