Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa heshiis laba sannadood ah u saxeexaya kooxda horyaalka waddanka Sucuudiga ee Al Hilal, halkaas oo uu joogi doono illaa June 2025.
Neymar Jr ayaa ogolaaday inuu u wareego horyaalka Sucuudiga, waxaana uu ku cadaadiyey PSG inay iibiso si uu ugu lacag doonto Sucuudiga oo ay isku urursanayaan xiddigaha waaweyn ee Kubadda cagta.
Maanta Oo Isniin ah ayuu Neymar Jr u duulayaa waddanka Sucuudiga oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo caawa, ka hor inta aanu si rasmi ah u saxeexin heshiiska ee aan loosoo bandhigin saxaafadda.
Qareennada labada dhinac ayaa hadda hubinaya dhukumentiyada saxeexa heshiiska oo ay isla meel-dhigeen Al Hilal iyo Neymar, iyadoo PSG ay heli doonto lacag gaadhaysa €100 milyan oo Euro oo ay Al Hilal ku iibsanayso xiddiga Brazil.