Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, inkasta oo waqtiga uu furmayo ay ka hadhsan yhiin laba usbuuc iyo dheeraad.
Blues ayaa sii wadda kharash garaynta lacagta iyo in ay ciyaartooyo kasoo buuxiso Stamford Bridge, iyaga oo labadii suuqa ee u dambeeyey ciyaartooyo cusub kusoo iibsaday lacag ka badan £600 milyan oo Gini.
Blues ayaa waxay xaqiijisay, in ay gacanta ku dhigtay oo uu ciyaartoy ka tirsan kooxdeed yahay laacib hibadiisu badan tahay oo ay u diyaarsanayaan mustaqbalka iyo dibu-dhiska kooxdan, kaas oo Stamford Bridge ay taageereyaashu ku sugi doonaan illaa laga gaadhayo sannadka 2025.
Santiago Morales oo ah agaasimaha akooxda reer Argentine ee Independient ayaa isaguna xaqiijiyey, in wiilka dahabiga ah ee Kendry Paez oo u dhashay waddanka Uruguay in ay heshiis la gaadhay Chelsea, laakiin ay sii haysan doonaan illaa laga gaadhayo sannadka 2025.
Paez oo ay hadda da’diisu tahay 16 jir, ayaa kaliya uu sharcigu u ogol yahay in uu tago kooxdiisa cusub ee Chelsea marka ay da’diisu noqoto 18 jir, xilligaas oo sharci ahaan loo ogol yahay in uu u guuri karo qaaradda Yurub.
Chelsea ayaa waxay heshiiska Paez ku garaacday kooxaha Manchester United iyo Borussia Dortmund oo si weyn loola xidhiidhinayay saxeexaha kubbad-sameeyahan hibada badan ee leh ifafaalaha ciyaaareed.
Morales oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Maanta waxa aan xaqiijinayaa in Kendry Paez uu noqon doono ciyaartoy Chelsea ah marka la gaadho sannadka 2025. Waxa aanu dalabyo ka helnay Manchester United iyo Borussia Dortmund, laakiin Chelsea aya muujisay xiisaha ugu sarreeya.”
Chelsea ayaa la sheegay, in ay ka bixisay laacibka lacag gaadhaysa £17.5 milyan oo Gini, waxayna sugi doonaan muddo laba sannadood ah ka hor inta aanu gaadhin da’da uu sharcigu u fasaxayo inay si buuxda ula soo wareegi karan.