Home Wararka Ciyaaraha War Deg Deg Ah: Chelsea oo Heshiis Afka ah la gaartay Xidiga...

War Deg Deg Ah: Chelsea oo Heshiis Afka ah la gaartay Xidiga Joao Felix

0
Ad

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis afka ah la gaartay weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix amaah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa xiriirkiisa tababare Diego Simeone waxa uu ahaa mid xun, waxaana uu ku dhibtooday inuu si joogta ah ugu soo bilowdo weerarka Rojiblancos xilli ciyaareedkan.

Ad

In kasta oo uu ku dhibtoonayay gudaha dalkiisa, Felix ayaa soo jiitay indhaha Koobka Adduunka isagoo dhaliyay hal gool iyo laba caawin afar ciyaarood oo uu u saftay Portugal, kuwaasoo Morocco ku reebay wareega 8da.

23-sano jirkaan qandaraaskiisa Atletico ma dhacayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26, laakiin waxaa la filayaa inuu raadiyo suuq cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Arsenal iyo Manchester United ayaa sidoo kale la fahamsanaa inay xiiseynayeen Felix, laakiin dalabaadka dhaqaale ee Atletico ee amaah waqti gaaban ayaa markii hore loo arkaa inay aad u adag tahay.

Si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa haatan warineysa in Chelsea ay heshiis afka ah la gaartay Felix oo ay amaah kula soo wareegtay bishaan, Blues ayaana ku bixin doonta adeegiisa €11m (£9.7m) – qiimo ka yar kii ay markii hore Atletico ku dooneysay.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Isniin Ah 9-da January
Next articleOxford 0-3 Arsenal: Gunners oo isku diyaarisay inay FA Cup-ka ka hor tagto Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here