War Deg Deg Ah: Chelsea oo Sameesay Saxiix Kale oo Muhiim ah lana Wareegtay Xidiga Lixaad

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa sii wadda saxeexyada tirada badan ee ay samaynayso bishan January, waxaanay hadda heshiis la gaadheen ciyaartoygii lixaad ee imanaya Stamford Bridge kaas oo ay waliba lacag badan kula soo wareegayaan.

Chelsea ayaa hore ula saxeexatay Joao Felix, Mykhailo Mudrik, Andrey Santos, David Datro Fofana iyo Benoit Badiashile, waxaanay hadda heshiis la gaadheen ciyaartoy noqonaya saxeexoodii lixaad ee bishan January.

Blues ayaa waxay ogolaatay inay £35 milyan oo Gini ka bixiso xiddiga kooxda PSV Eindhoven ee Noni Madueke oo ay ka hor qaadday kooxaha Leicester City iyo West Ham oo xiisaynayay.

Madueke oo kasoo baxay kulliyadaha da’dayta ee Crystal Palace iyo Tottenham oo uu isku maray, ayaa waxa uu sannadkii 2019 u wareegay PSV Eindhoven oo uu markiiba ka noqday ciyaartoy muhiim ah, waxaana uu iska diiday Manchester United ka hor intii aanu u wareegin horyaalka Netherlands.

20 jirkan ayaa noqonaya ciyaartoygii labaad ee ay PSV Eindhoven iibiso bishan January, waxaana ka horreeyey Cody Gakpo oo u wareegay Liverpool.

Noni Madueke oo ka ciyaara garabka weerarka ayaa 80 kulan oo uu u saftay PSV waxa uu u dhaliyey 20 gool iyo 14 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu sidoo kale u ciyaaray xulka qaranka da’yarta Ingiriiska.

Tababare Graham Potter oo ay kooxdiisu kaalinta tobnaad kaga jirto miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League ayaa u dhaqaaqay saxeexa Noni Madueke markii ganaax saddex ciyaarood ah lagu riday weeraryahanka Joao Felix ee ay amaahda kaga soo qaateen Altetico Mdrid, kaas oo kaadh casaan ah la siiyey ciyaartiisii koowaad ee uu dheelay oo ay Fulham kaga badisay 2-1.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*