Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax kusoo rogay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo lagu eedeeyey in uu jabiyey sharciga iyo anshaxa FA-ga, kaddib markii uu wiilyar oo maskaxdiisu aanay taam ahayn uu ka jabiyey telefoon bishii April ee sannadkan.

Cristiano Ronaldo ayaa telefoonka ka qaaday wiilyar oo markii dambe la xaqiijiyey in maskax ahaan aanu dhamayn, waxaana uu dhulka ku dhuftay telefoonkaas oo jajabay.

Falkan oo ka dhacay garoonka Everton ee Goodison Park xilli ciyaareedkii hore, ayaa waxa muuqaalada kaamirooyinka ay duubeen ay muujiyeen, Jacob Hrding oo ah 14 jir qaba xanuunka ‘Autism’ oo uu Ronaldo telefoonka dhulka kaga tuurayo.

Xiddiga Portugal ayaa mar dambe raalligelin ka bixiyey falkan, hase yeeshee hooyada dhashay wiilkan oo waraysi bixisay ayaa sheegtay, in Ronaldo uu telefoonka kasoo wacay oo uu ugu hanjabay in aanay isku dayin in ay dacweeyaan, haddii kale uu awoodihiisa dhaqaale iyo saamayntiisa isticmaali doono oo aanay waxba ka qaadi doonin.

Booliska Merseyside ayaa arrintan ka furay baadhis, waxaana afhayeen maanta oo Jimce ah u hadlay xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu sheegay, in ay ganaax ku ridayaan Ronaldo, laakiin ay taageeri doonaan marka ay noqoto in kiiskiisan laga dhigo fal-dambiyeed.

Lama sheegin nooca ganaaxa ee Cristiano Ronaldo ku dhacaya, hase yeeshee waxa la sheegay in boolisku ay wali wataan hawshooda baadhitaanka falkan oo ay soo gunaanadii doonaan.