WAR DEG DEG AH: Koox kale Ku Dhibaatootay Premier League Oo Shaqada Ka Caydhisay Tababaraheeda

Iyadoo horyaalladu min laba bilood oo wax dhiman socdaan, waxa isasoo tartaya tababareyaasha shaqada laga caydhinayo gaar ahaan kooxaha caanka ah ee Ingiriiska oo xilli ciyaareedkan ku degdegaya inay eryaan macallimiintooda.

Fulham ayay ahayd kooxdii ugu horreyey ee Premier League ah ee shaqada ka caydhisa tababaraheeda, waxaana ku xigtay Chelsea hase yeeshee waxa iyaduna hal natiijo oo kaliya oo aan fiicnayn ay ka xigtaa in shaqo ka caydhintiisa la shaaciyo tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers.

Kooxdii xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay horyaalka Premier League ee Watford ayaa noqotay naadigii ugu dambeeyey ee shaqada ka caydhiya tababaraheeda, waxaana war-saxaafadeed mar dhoweyd la soo saaray lagu sheegay in Watford ay eriday tababare Rob Edwards.

Watford oo qaaba aan fiicnayn ku bilaabatay heerka labaad ee ay u dhacday ee Championship oo ay kaalinta sagaalaad ku jirto, ayaa waxay Edwards eriday isaga oo toban kulan oo kaliya layliyey xilli ciyaareedkan, waxaana ciyaaartii ugu dambaysay ay barbarro 2-2 ah la galeen Sunderland, taas oo ay taageereyaasha kooxdiisu ku ooriyeen.

Tababarihii hore ee West Ham iyo West Brom ee Slaven Bilic ayaa loo magacaabay in uu noqdo macallinka cusub ee Watford ee beddelaya Rob Edwards.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*