
Robert Lewandowski ayaa sannadkii labaad ku guuleystay abaal marinta FIFA Best ee ragga, kaddib xaflad ka dhacday xarunta FIFA ee Zurich Isniintii.
Weeraryahanka Bayern Munich ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha ay isku sharaxan yihiin ee Lionel Messi iyo Mohamed Salah, isagoo sidoo kale ku guuleystay markii ugu dambeysay ee la qabto bishii December 2020.
Lewandowski ayaa dhaliyay 58 gool 47 kulan oo tartamada oo dhan ah sanadka 2021, taas oo ay ku jirto in uu jabiyay laba rekoodhe oo soo jireen ah oo uu horay u haystay halyaygii Jarmalka ahaa ee Gerd Muller. Waxa uu Bayern u dhaliyay 41 gool hal xilli ciyaareed oo Bundesliga ah, iyo 43 gool oo Bundesliga ah sannad gudihii.
Xiddiga reer Poland ayaa dhaliyay 34 gool 27 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 9 gool oo uu dhaliyay champions League heerka Group-yada.
33-jirkan ayaa abaal-marinta lagu guddoonsiiyay magaalada Munich iyadoo ay ku hareereysan yihiin madaxa fulinta ee Bayern Oliver Kahn, agaasimaha ciyaaraha ee Hasan Salihamidzic iyo madaxa tababare Julian Nagelsmann.
Be the first to comment