Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dooratay weeraryahanka cusub ee ay la saxeexanayso, saacad kaddib markii ay shaacisay in uu ka tegayo Karim Benzema oo ay caawa kusii sagootin doonaan garoonka Santiago Bernabeu, halka Salaasadana uu saxaafadda kula hadli doono madxafka kooxda ee ay ku kaydsan yihiin koobabkii uu kooxda kula guuleystay.
Real Madrid ayaa ogsoon in aanay socon karaynin weeraryahan la’aan iyadoo horeba uu Carlo Ancelotti u xaqiijiyey in ay kooxdiisu la saxeexan doonto ciyaartoy afka hore uga dheela.
Tiro ciyaartooyo ah ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid, waxaase ay xaaladdiisu ka duwanayd Joselu oo ay heshiis amaah kagala soo wareegayaan Espanyol, balse laacibkani wax saamayn ah kuma yeelanayo qorshaha suuqa sababtoo ah waxa uu kaliya geli doonaa booskii Mariano Diaz ee kaydka oo shalay bixitaankiisa ay Los Blncos ku dhawaaqday.
Sida ay saxaafadda waddanka Spain sheegeen, Real Madrid waxay calaamadsatay weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo ay u arkaan beddelka ugu habboon ee Karim Benzema, waxaanay xidhiidh la samayn doonaan Tottenham oo iyaduna diyaar u ah inay iibiso kabtankeeda oo diiday inuu saxeexo qandaraas cusub iyadoo heshiiskiisana sannad kali ahi ka hadhsan yahay.
Wargeyska Marca ayaa ku warramaya in magaca Harry Kane lagaga hadlayo shirarka Real Madrid oo maalmihii ugu dambeeyeyba uu ahaa ciyaartoyga ay carrabka ku hayaan madaxda kooxdu, waxaana shaqsiga sida aadka ah u riixaya uu ahaa Carlo Ancelotti oo u sheegay Florentino Perez in uu Kane yahay nooca weeraryahanka uu rabo.
Xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya Daniel Levy oo ah guddoomiyaha Tottenham iyo Florenino Perez ayaa la sheegay in uu Real Madrid ka caawin doono saxeexa Harry Kane, oo sidoo kale ay doonayso Manchester United.
Carlo Ancelotti ayaa waxa uu ogsoon yahay in Kane uu yahay ciyaartoy khibrad badan oo aanay waqti badan ku qaadan doonin in uu la qabsado qaab-ciyaareedka Real Madrid iyo horyaalka LaLiga intaba, isla markaana ay waxyaabo badan ka midaysan yihiin Karim Benzema, sida caawinta iyo kubbadaha khadka dhexe laga soo sameeyo.
Real Madrid ayaa waxay hore ugala soo wareegtay Tottenham ciyaartooyo ay ka mid yihiin Luka Modric iyo Gareth Bale, waxaanay saxaafadda Spain sheegaysaa in mar kale uu sii socon doono oo xagaagan ay labada kooxood samayn doonaan dib u-saaxiibid ay ku kala iibsanayaan Harry Kane.
Valdebebas ayaa waxa kale oo laga hadal-hayaa Kai Havertz oo ay Real Madrid u aragto ciyaartoyga ay tahay in ay saxeexiisa isku dayaan haddii ay ku guul-darraystaan Harry Kane.