War Deg Deg Ah: Roberto Martinez oo iska Casilay Xilka Tabaranimo ee Belgium-ka

Roberto Martinez ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjarayo tabobarnimadiisii ​​​​Belgium ka dib markii qaranka uu ka haray koobka adduunka .

Inkastoo Belgium ay ku jirto kaalinta labaad ee kala sarreynta FIFA, Belgium ayaa kaliya ku dhameysan kara kaalinta seddexaad iyagoo ka dambeeya Morocco iyo Croatia oo ku jira Group F.

Shayaadiinta cas cas ayaa khamiistii la ciyaaray Croatia iyaga oo u baahday in saddexda dhibcood ay u soo baxaan wareega 16ka laakiin fursado badan oo la khasaariyay ayaa keenay in barbaro gool la’aan ah lagu kala baxo.

Marka la eego heerkooda sare, Belgium waxay soo martay xaalad xun 2022, iyagoo badiyay kaliya shan ka mid ah 11 kulan oo tartamada oo dhan ah iyo mid ka mid ah afartii guuldarro ee ay ka gaareen Morocco isbuucii hore.

Ka dib lix sano iyo bar oo uu maamulayay, Martinez waxa uu hadda qaatay go’aanka uu kaga tagayo booskiisa iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka tartanka Qatar.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*