Home Wararka Ciyaaraha War Deg Deg AH:- Sadio Mane oo ku guuleestay Abaalmarinta Socrates award

War Deg Deg AH:- Sadio Mane oo ku guuleestay Abaalmarinta Socrates award

0
Ad

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa la guddoonsiiyey abaal-marin cusub oo sannadkan lasoo kordhiyey oo loogu magac-daray Socrates award oo loogu magac-daray halyeygii Brazil ee Socrates oo waxyaabo badan dunida kubadda cagta kusoo kordhiyey.

Socrates oo geeriyooday sannadkii 2011 ayaa waxa lagu maamuusi doonaa wixii hadda ka dambeeya abaal-marinta hadda lasoo kordhiyey ee uu taariikhda ku gelayo Sadio Mane ee Socrates award.

Ad

Xiddiga Senegal oo xilli ciyaareedkii tegay dalkiisa u qaaday Koobka Qaramada Afrika, sidoo kalena usoo saaray Koobka Adduunka ayaa waxa kale oo uu Liverpool ka caawiyey inay kaalinta labaad ku guuleysato FA Cup iyo Carabao Cup, halka ay kaalinta labaad kaga dhamaysteen Premier League oo ay Man City hal dhibic kga qaadday.

Abaal-marintan Socrates award ee uu Sadio Mane ku guuleystay ayaa waxa lagu sheegay, in ay tahay mid la siinayo ciyaartoyda ka shaqeeya arrimaha binu-aadanimada hoggaaminta dabiiciga ah iyo shaqsiyadda wanaagsan ee ugu fiicnaa sannadkaas, waana astaamihii uu ku suntanaa Sokrates oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Brazil, sidoo kalena ahaa dhakhtar cusbitaallada ka shaqeeya, dhinacna ka ahaa saxafi qormooyin ku lahaa jaraa’idadda ugu caansan dunida ee wax ka qora kubadda cagta.

Sadio Mane oo ah xiddig Muslim ah ayaa waxa uu abaal-marintan ku mutaystay iskuullada, masaajiddada iyo waddooyinka uu ka dhisay waddankiisa Senegal isaga oo sidoo kalena wada dhismaha jaamacad, lacagta dugsiyadana ka bixiya arday badan. Waxa kale oo uu Mane mushaharooyinka siiyaa macallimiin wax ka dhigta waddankiisa Senegal.

Waxa uu laacibkani sidaas ku noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ku guuleysta abaal-marinta Sokrates Award.

Previous articleAbaalmarinta:- Xidiga ugu Wanaagsan Da’yarta Aduunka oo la shaaciyay
Next articleWar Deg Deg Ah:- Robert Lewandowski oo ku guuleestay Abaalmarinta Cusub ee Gerd Muller Trophy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here