Home Warka Xiisaha Leh WAR DEG-DEG AH: Tababare Aqbalay Inuu Shaqada Tottenham Qabto Oo Kaga Guuleysanaya...

WAR DEG-DEG AH: Tababare Aqbalay Inuu Shaqada Tottenham Qabto Oo Kaga Guuleysanaya Luis Enrique

0
Ad

Macalinka kooxda Feyenoord ee Arne Slot ayay sii xoogaysanayaan wararka la xidhiidhinaya shaqada tababarenimo ee Tottenham Hotspurs.

Slot oo 44 sano jir ah ayaa xilli ciyaareed qurxoon lasoo qaatay Feyenoord oo uu horyaalka Holland ee Eredivise kusoo guuleeyay.

Ad

Sida uu sheegayo wargeyska Dutch-ka ah ee Telegraaf, wakiilka Arne Slot ee Rafaela Pimenta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadahadalo kula jirtay Tottenham waxayna u sheegtay in macalinka ay masuulka ka tahay aqbalay shaqadeeda.

Slot ayaa la filayaa inay Tottenham kasoo bixin doonto 6 Milyan oo pound haddii ay doonayso inay Feyenoord kala soo saxeexato.

Slot ayay warbixinaha qaar sheegeen inuu sanadkii 1.7 Milyan pound mushahar ahaan uga qaato Feyenoord, waxa la filayaa inuu mushahar kordhin weyn ka helo kooxda waqooyiga London.

Feyenoord ayaa aad u doonaysa inay macalinkeeda sii haysato kahor ku laabashadeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Wakiil Pimenta ayaa Arbacada wadahadalo kula ballansan maamulaha guud ee Feyenoord ee Dennis te Kloese iyadoo la filayo in xog cad laga helo mustaqbalka tababare Arne Slot.

Previous articleVinicius Jr Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Ka Tagayo Horyaalka Lagu Cunsuriyeeyay Ee La Liga
Next articleGary Neville oo daboolka ka qaaday kooxda uu aaminsan yahay inay tahay mida kaliya ee muujisay inay awoodo inay la tartanto Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here