Ad
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqi doonta in uu ka tegayo ciyaartoy kale oo ruug-cadaa ah oo guulo badan lasoo hooyey, kaas oo ogolaaday inuu iskaga baxo Camp Nou iyadoo aanu dhamaanin qandaraaskiisu.
Barcelona ayaa waxa hore u shaaciyey in uu ka tegayo xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets oo ay beddelkiisa suuqa ka raadinayaan, haddana waxa go’aankaas oo kaleqaatay difaaca bidix ee Jordi Alba oo shandaddiisa ka xidh-xidhay Camp Nou.
Ad
Jordi Albs ayaa soo afjaraya 11 sannadood oo uu u ciyaarayay Barcelona oo uu kula guuleystay 18 koob oo dhamaan tartamada ah, waxaana lagu sii sagootiyi doonaa kulanka lagu soo gunaanadayo horyaalka LaLiga ee Axadda.
Heshiiska uu Jordi Alba kula jiray Barcelona ayaa soconaya illaa sannadka 2024, hase yeeshee dhinacyada ayaa ku heshiisyey in la kansalo sannadkaas ka hadhsan qandaraaska laacibkan oo uu si xor ah uga tago.