Booliska waddanka Brazil ayaa xabsiga u taxaabay iyaga oo ku eedaynaya in isaga oo baabuurkiisa ku jira oo taagan meel fagaare ah uu lasoo baxay qori uu si sharci-darro ah ku haystay, kaddibna uu xabbbado riday, waxaana uu hadda ku jiraa jeel ku yaalla Brazil.
Barceloma akama aanay hadal laacibkeedan la illoobay ee xabsiga loo taxaabay, hase yeeshhee waxa la fahamsan yahay in uu khamri cabsanaa markii uu falkan samaynayay, waxaanay arrintani ka dhacday Lake Paranoa.
Booliska waddanka Brazil ayaa xaqiijiyey, in ay xidheen Douglas Pereira oo ay da’diisu tahay 32 jir oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona laakiin aanay dad badan xasuusanin maadaama aanu waqtigiisii Camp Nou ahayn mid wanagsan.
Falkan xabbadaha uu riday Douglas Pereira ayaa la sheegay in uu dhacay April 21, balse warka xadhiggiisa ayaa hadda soo baxay.
Douglas Pereira ayaa kasoo degay doonni ay dad badan saarnaayeen, waxaana uu soo galay baabuurkiisa oo uu kala soo baxay qori uu si sharci-darro ah ku haystay oo aanay dawladdu u ogolaanin, waxaana uu riday xabbado.
Isaga oo arrintan sameeyey ayaa waxa uu Douglas Pereira yimid garoonka kooxda Club Esportives Sul, waxaanay halkaas isku maandhaafeen dad kale taas oo keentay in ay boolisku yimaaddaan, sidaas ayaana xabsiga loogu taxaabay.
Laba maalmood markii uu xidhnaa ayaa la sii daayey xilli ku beegnayd April 23, waxaase ay xeer-ilaalinta Brazil ka gudbisay dacwad fal-dambiyeed oo ah haysasho hub sharci-darro ah iyo in uu xabbado riday.
Sannadkii 2014 ayaa ay Barcelona £3.4 milyan oo Gini kusoo iibstay Pereira oo ay kal soo wareegtay Sao Pulo, waxaana lagu tilmaamay saxeexii ugu xumaa taariikhda kooxdaas.
Siddeed ciyaarood oo kaliya ayaa uu u saftay muddo shan sannadood ah oo uu ka tirsanaa Barcelona, waxaana amaah loogu diray kooxo ay ka mid yihiin Sporting Gijon, Benfica iyo Sivasspor.
Waxa kale oo uu u ciyaaray Besiktas oo uu toddoba kulan oo kaliya u saftay, isaga oo xor ka noqday sannadkii hore.