WAR DEG DEG AH: Arsenal oo Si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard oo ay £27 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton & Hove Albion, waxaana uu noqonayaa ciyaartoygii koowaad ee ay Gunners la saxeexato bishan January.

Leandro Trossard ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah oo uu la socdo sannad shanaad oo dookh ah oo qandaraaaskiisa ay ku kordhin karayso Arsenal.

Mikel Arteta oo niyad-jab ka qaaday labadii ciyaartoy ee uu doonayay ee ay Chelsea ka hor qaadday ee Joao Felix iyo Mykhailo Mudryk ayaa waxa uu helay Leandro Trossard oo khibrad badan u leh horyaalka Premier League oo uu saddex sannadood iyo badh ka ciyaaarayay.

Trossard ayaa markii uu heshiiska saxeexay waxa uu la hadlay saxaafadda, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo Arsenal laakiin waxa uu shaki geliyey inuu qayb ka noqon doono kulanka Manchester United ee Axadda.

Marii uu heshiiska saxeexay ayuu la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Waxa aan ogahay in uu tababaraha Arsenal yahay macallin wanaagsan, waxaanan rajaynayaa in aanu waxyaabo wanaagsan ku wada guuleysan doono, aniguna aan noqon doono ciyaartoy ku wanaagsan wax walba.

“Ad ayaan ugu faraxsanahay in aan tageereyaasha ku arko garoonka. Waxa aan rajaynayaa in aan wax walba u huri doono. Waxa aan doonayaa in aan isku dayo in aan abuuro waqtiyo mucjiso ah illaa intii suurtogal ah oo aynu u wada dabbaal-degi karno.

“Arteta iyo Edu waxay ii sheegeen in aan ahay ciyaartoy ay si dhaab ah u doonayaan, iyo in aan ku habboonahay qaab ciyaareedka kooxda. Waxay ii sharraxeen sida aan doonayo inay ii ciyaarsiiyaan. Waxa i caawin doonta in aan boosas kala duwan ka ciyaari doono.”

Leandro Trossard ayaa Arsenal u xidhan doona No.19 oo markii ugu dambaysay uu xidhan jiray Nicolas Pepe laakiin ay sidoo kale qaateen Bernd Leno, Santi Cazorla iyo Jack Wilshere.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*