Home Suuqa Kala iibsiga War Deg Deg ah:Barcelona oo heshiis la gaartay xiddiga Dani Olmo

War Deg Deg ah:Barcelona oo heshiis la gaartay xiddiga Dani Olmo

0

Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda RB Leipzig si ay ugala wareegto xiddiga Dani Olmo, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Ka dib markii ay waayeen bartilmaameedkii ugu sarreeyay ee Nico Williams, Blaugrana waxay ku qasbanaadeen inay diiradda saaraan bartilmaameedyo kala duwan, iyadoo Olmo oo hore uga soo baxay Akademiyada kooxda Barcelona ee La Masia uu noqday bartilmaameed kale.

Olmo ayaa wacdaro ka dhigay tartankii Euro 2023 waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican tartankii uu xulka Spain ku guulaystay.

Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in ay Barcelona xiddiga ka bixin doonto 55 milyan oo euro iyo waliba 7 milyan oo Gunooyin ah.

Sidoo kale Olmo ayaa ogolaaday heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa sanadka 2030.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here