Home Warka Xiisaha Leh WAR DEG DEG AH:Chris Kamara oo joojiyey shaqada warbaahinta ee toddobaadkan, kaddib...

WAR DEG DEG AH:Chris Kamara oo joojiyey shaqada warbaahinta ee toddobaadkan, kaddib markii ay soo waajahday Arin layaab leh

0
Ad

Khabiirka iyo falanqeeyaha kubadda cgta ee Chris Kamara ayaa sheegay, in uu joojiyey shaqada warbaahinta ee toddobaadkan, kaddib markii ay soo waajahday dhibaato dhinaca hadalka ah oo uu codkiisu khalkhalay.

Kamara oo caan ka ah kubadd cagta oo muddo dheer usoo shaqaynayay Sky Sports, ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay ninka ugu xooggan kubadda cagta UK ee dhinaca tabinta iyo falanqaynta kubadda cagta.

Ad

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa uu ku sheegay in ay haysato dhibaato dhinaca hadalka ah isla markaana uu bannaanka ka noqon doono shaqadan oo uu muddo dheer kusoo jiray.

65 jirkan ayaa waxa ku dhacay xanuun loo yaqaano ‘Apraxia’ oo hadalka ku dhajiya dadka, kaas oo codka hoos u dhiga, mararka qaarkoodna gaadhsiiya heer uu hadalkuba kasoo bixi waayo qofka.

Chris Kamara ayaa sannadkii hore ee 2022 waxa uu soo afjaray muddo 24 sannadood ahaa oo uu ka shaqaynayay Sky Sports, haddana waxa uu kasii baxayaa gebi ahaanba shaqadan.

Previous articleCasemiro oo qirtay in uu la yaabbay damaca iyo doonista tababare Erik ten Hag
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 23-ka May

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here