Waxa la dhamaystiray heshiiska iibka kooxda horyaalka Premier League ee Everton oo gacanta u gashay shirkadda maalgelinta ee laga leeyahay waddanka Maraykanak ee 777 Partners, waxaana heshiiska iibka si rasmi ah ugu dhawaaqay Farhad Moshiri oo hadda noqonaya mulkiilihii hore.
Shirkadda xarunteedu tahay magaalada Miami ee waddanka Maraykanka ayay ka go’nayd in ay gacanta ku dhigto kooxdan si ay qayb uga noqoto ganacsiyadeeda oo ay door ugu yeelat horyaalka Premier League.
Moshiri oo ah maalqabeen u dhashay waddanka Iran, laakiin qaatay dhalashada Britain ayaa waxa uu muddooyinkii dambe la daalaa-dhacayay hoos u dhac ku yimid dhaqaalihiisa oo uu saamayn ku yeeshay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, sababtoo ah waxa ay shuraako ahaayeen Alisher Usmanov oo 17 bilood ka hor la xayiray hantidiisa, iyadoo lagu eedaynayo inuu xidhiidh la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Qoraal uu soo saaray Farhad Moshiri ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in saamiyadii kooxda Everton ay la wareegtay shirkadda 777 Parners oo ay noqonayaan mulkiileyaasha kooxda, isla markaana ay dhisi doonaan garoonka weyn ee qorshaha ku jiray ee laga binaynayo xeebta.
Shirkadda 777 Partners ayaa waxa ay hore u lahayd kooxo dhawr ah oo ay ku jiraan Vasco da Gama oo ka dhisan Brazil, Genoa oo Talyaaniga ah, naadiyo ka dhisan Canada iyo Australia iyo shirkado diyaaradeed oo ka shaqeeya waddamada adduunyada qaarkood.