Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday kabtankeeda cusub ee beddelay Jordan Henderson oo u wareegay horyaalka Sucuudiga iyo saddex kabtan-xigeen, waxaana cadhaysan xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo aan meelna lagaga soo darin liiska masuuliyiinta kooxdiisa.
Mohamed Salah oo ka mid ah ciyaartoyda ugu waqtiga dheer ciyaartoyda Liverpool ee hadda, ayaan lagu soo darin liiska kabtannada, taas oo lagu tilmaamay inay muujinayso in aanay kooxdu wax kalsooni ah ku qabin sii joogistiisa.
War-saxaafadeed ay soo saartay Liverpool ayaa lagu sheegay, in kabtanka cusub ee kooxdaasi uu yahay difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk oo hore u ahaa kabtanka saddexaad, balse fursadda ka helay bixitaanka Jordan Henderson iyo James Milner.
Van Dijk oo Liverpool ay sannadkii 2018 kala soo wareegtay Southampton, ayaa waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu muhiimsanayd, uguna wanaagsanayd muddadii uu joogay Anfield, waxaana uu qayb weyn ka ahaa guushii Premier League ee soo afjartay soddon sannadood oo ay ka qatanaayeen koobkan iyo Champions League oo markii lixaad ay ku guuleysteen.
Waxa uu Virgil van Dijk noqonayaa difaacii ugu horreeyey ee Liverpool kabtan u noqda tan iyo sannadkii 2003, waqtigaas oo ay Reds kabtan ka dhigatay Sami Hyypia.
Trent Alexander-Arnold ayaa kabtan ku-xigeenka koowaad loo magacaabay, waxaana kusii xigaya Andy Robertson iyo Allison Becker.