Home Warka Xiisaha Leh WAR DEG DEG AH:Real Madrid oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in...

WAR DEG DEG AH:Real Madrid oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu ka tegayo Karim Benzema

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu ka tegayo Karim Benzema oo maanta uu ciyaartiisii ugu dambaysay kusii sagootin doonto waayihiisii Santiago Bernabeu ee waqtiga dheer soo socday, isla markaana ay kooxdu gacmo furan kusii macasalaamayn doonto.

War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay ayaa lagu yidhi: “Real Madrid FC iyo kabtankayaga Karim Benzema waxay ku heshiiyeen in halkan uu kusoo dhamaado waqtigii cajiibka ahaa ee aan la illoobi karin ee ciyaartoygani ku qaatay kooxdayada.

“Real Madrid waxay doonaysaa in ay muujiso farxadda iyo dhamaan jacaylka ay u qabto Karim oo mar horeba ka mid noqday halyeeyadayadii ugu waaweynaa.

“Karim Benzema waxa uu yimid kooxdayada 2009 isaga oo kaliya 21 jir ah, waxaana uu udub-dhexaad u ahaa jiilka dahabiga ah ee taariikhda kooxda. 14kii sannadood ee uu joogay, waxa uu dfaacay qalcaddayada iyo shaadhkayaga, waxaana uu ku guuleystay 25 koob, waana rikoodhkii ugu badnaa ee Real Madrid uu ciyaartoy ka sameeyo: 5 Champions League, 5 Club World Cup, 4 European Super Cup, 4 horyaal, 3 Copa del Rey iyo 4 Spanish Super Cup.

Previous articleSimone Inzaghi oo farrin u diray xiddigaha kooxdiisa kahor Finalka UEFA Champions League
Next articleWAR DEG-DEG AH: Real Madrid Oo durbaba Dooratay Weeraryahankii U Beddelayay Karim Benzema iyo Kooxda ay kasoo Afduubanayso oo walaacsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here