War Deg Deg: Robert Lewandowski oo loo magacaabay Abaalmarinta Xidiga ugu Feecan Sanadka ee ( FIFA Men’s Player 2020)

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ku garaacay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka 2020 ee The Best.

Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich ku hogaamiyay 3 koob sanadkan isaga oo sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuna guulaystay gool dhalinta Bundesliga.

Robert Lewandowski ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha ugu fiican kubada cagta sanadihii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Lewandowski ayaana markii ugu horaysay taariikhda ku guulaystay abaalmarinta The Best ee ay FIFA sanadkii hal mar bixiso.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*