Home Wararka Ciyaaraha War Naxdin Ah:- Xiddiga Barcelona Ansu Fati oo shil galay

War Naxdin Ah:- Xiddiga Barcelona Ansu Fati oo shil galay

0
Ad

Xiddiga kooxda Barcelona Ansu Fati ayaa shil galay, weriyaha reer Spain ee Rodrigo Gonzalez ayaa soo wariyay sida lagu qoray Carrusel Deportivo ). 

Xidigan ayaa ku dhacay darawal Mooto bajaajle ah xilli uu gaariga dhiganayay goor baakin ah

Ad

Sida ku cad warbixinta aan soo sheegnay, garabka Barcelona Fati ayaa galay shil baabuur. xilli uu isku dayay in uu baabuurkiisa dhigto caasimadda Catalonia .

Waxaa la sheegay in darawalka Mootada uu ka jabay canqowga kadib shilkaasi. Weeraryahanka Barcelona ayaa isbitaalka la aaday darawalka mootada si uu ula socdo oo uu u fahmo nooca iyo heerka dhaawaca rookaha inkastoo xidigan dhaawac ahaan si toos ah loo sheegin inkastoo warbaahinta qaar sheegayaan in aysan waxba gaarin..

Fati, oo ku jira qaab ciyaareedkiisa ugu fiican garabka bidix, ayaa 14 kulan u saftay Blaugrana horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday kaliya seddex jeer. Saddex gool ayuu dhaliyay 3 goolna caawiye ka ahaa horyaalka Spain ilaa haatan.

Fati ayaa sidoo kale kasoo muuqday lix kulan oo Champions League heerka guruubyada Barca.

Previous articleWar Deg Deg Ah : Manchester United oo war rasmi ah ka soo saartay Cristiano Ronaldo ka dib wareysigii ugu dambeeyay
Next articleJavi Martinez oo magacaabay 3-da Koox ee ugu cadcad ee ku guuleysan kara Koobka Adduunka 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here