War Rasmi Ah: Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Premier League Ee PFA Oo La Shaaciyay

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta Xiddiga Sannadka Premier League ee PFA.

Ka dib markii uu si ciriiri ah ku seegay koobkiisii labaad ee horyaalka Premier League, Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga Manchester City Kevin de Bruyne isagoo ku guuleystay markii labaad.

29 jirkaan oo sidoo kale ku guuleystay kabta dahabka Premier League ayaa sidoo kale abaalmarintaan ku garaacay Cristiano Ronaldo, Harry Kane, Virgil van Dijk iyo Sadio Mane.

Salah wuxuu dhaliyay 23 gool horyaalka isagoo sidoo kale caawiye ka noqday 14 gool kale xilli ciyaareedkii dhamaaday, waxaana ku jirtay seddexleey iyo caawin uu ku sameeyay kulankii Old Trafford ee ay Liverpool 5-0 kaga badisay Manchester United.

Xiddiga reer Masar ayaa sidoo kale Liverpool la qaaday koobabka Carabao Cup iyo FA Cuo halse ay Liverpool si ciriiri ah ku seegtay Champions League iyo Premier League.

Xubnaha ururuka xirfadlayaasha kubada cagta Ingariiska ee PFA ayaa u codeeyay Mohamed Salah.

Salah ayaa noqonaya xiddigii sagaalaad ee labo jeer ku guuleysta abaalmarinta isagoo ku biiraya Mark Hughes, Alan Shearer, Thierry Henry, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Lucy Bronze, Kevin De Bruyne iyo Fran Kirby.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*