War Rasmi Ah: Arsenal iyo Man City oo ku heshiiyey qiimaha Gabriel Jesus

Arsenal ayaa heshiis la gaartay Manchester City heshiiska oo ku aadan saxiixa Gabriel Jesus.

TheMirror ayaa sheegeysa in Arsenal ay heshiis la gaartay Gabriel Jesus oo ay kula soo wareegeyso 45 milyan ginni.

Weeraryahanka City ayaa doortay inuu ka tago kooxda heysata horyaalka ka dib imaatinka Erling Haaland iyo Julian Alvarez. U dhaqaaqida Arsenal ayaa soo ifbaxday iyada oo ay uga mahadcelinayaan xiriirka tababare Mikel Arteta iyo Gabriel Jesus ka dib markii ay wada joogeen City.

Heshiis 45 milyan ginni ah ayaa lala galay Gunners si ay ula tartanto Chelsea iyo Tottenham.

Labada kooxood ayaa haatan ka shaqeynaya faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa haatan qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Arsenal .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*