War Rasmi Ah: Aston Villa oo ku Dhawaaqday Saxiixeeda Labaad ee Suuqa Kala iibsiga

Photo/Reuters

Aston Villa ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay daafacdla Lucas Digne oo ay Everton kaga soo iibsatay aduun dhan 25 milyan ginni.

28-sano jirkaan ayaa u dhaqaaqay Villa Park, waxaana uu noqonayaa ciyaaryahankii labaad ee Steven Gerrard uu kusoo kordhiyo suuqan kadib markii uu amaah kula soo wareegay Philippe Coutinho.

Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa hoos u dhac weyn ku yimid xilligii uu maamuli jiray Rafael Benítez, mana uusan ciyaarin Toffees tan iyo kulankii Merseyside Derby ee Liverpool 1-dii December.

Waxa uu caawiye ka ahaa afar caawin 13kii kulan ee uu ka soo muuqday Premier League ilaa heerkaas.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo. Waa mashruuc weyn kadib saxiixii Philippe iyo kooxdu ay qarashgareysay lacag badan xagaagii hore” ayuu yiri Digne oo lasoo bandhigay maanta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*