Home Wararka Ciyaaraha WAR RASMI AH: Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyay Saxeexa Koowaad Ee Xagaagan Real...

WAR RASMI AH: Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyay Saxeexa Koowaad Ee Xagaagan Real Madrid

0
Ad

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in daafaca bidix ee Rayo Vallecano ee Fran Garcia oo hore kuliyadooda da’yarta uga soo tirsanaa kooxda xagaaga kusoo laabanayo.

Madrid oo horyaalka La Liga iyo Champions League-ba seegtay sanadkan ayaa la filayaa inay suuq weyn qaadato xagaagan iyadoo xoojin badan kusoo samaynaysa safkeeda kooxda.

Ad

Mid kamida boosaska ay ka baahantahay Madrid ayaa ah daafaca bidix iyadoo Ferland Mendy ay dhaawacyadiisu bateen, waxay u heleen doorkaas Garcia.

23 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan bandhig weyn kusoo samaynayay Vallecano, waxa uu amaan badan ka helay kubadda cagta Spain waxaana ugu dambeeyay oo haatan amaan ugu qubeeyay Carlo Ancelotti.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa la sheegayay in Garcia heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Real Madrid saddex sano kaddib markii uu ku biirayo Rayo balse Ancelotti ayaa hadda waxkasta xaqiijiyay.

Ancelotti oo ka hadlaya Garcia ayaa yidhi “Fran Garcia waa daafac bidix oo leh tamar badan, waa mid aad u dheereeya marka uu kubadda wato si fiican ayuuna u weerartamaa. Sifooyin aad ugu wanaagsan Real Madrid ayuu leeyahay xilli ciyaareedka dambena anaga ayuu nala joogi doonaa”.

Previous articleOsimahen Oo Qish Culus Ka Bixiyay Mustaqbalkiisa & Magaalada Uu Joogo Ee Lagu Arkay
Next articleHORDHAC: Man United v Chelsea – ee Horyaal Premier League, Wararka labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here