Home Wararka Ciyaaraha War Rasmi Ah: Chelsea oo ku dhawaaqday saxiixa Kalidou Koulibaly

War Rasmi Ah: Chelsea oo ku dhawaaqday saxiixa Kalidou Koulibaly

0
Ad

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay inay heshiis afar sano ah la gaartay daafaca dhexe ee reer Senegal Kalidou Koulibaly oo ay kala soo wareegeen Napoli .

31 jirkaan ayaa ka tagaya Partenopei ka dib sideed sano oo uu la joogay kooxda ka ciyaarta Serie A, markaasoo uu kula guuleystay Coppa Italia iyo Supercoppa Italiana.

Ad

Koulibaly ayaa Napoli kaga soo biiray kooxda Genk aduun dhan 7 milyan oo gini sanadkii 2014-kii waxana uu sameeyay 14 gool 8 kalena caawiye ka noqday 317 kulan oo uu kooxda u saftay tartamada oo dhan iyada oo ay kooxaha Premier league si joogto ah u xiiseeyaan.

Manchester United iyo Manchester City ayaa labaduba si xoogan loola xiriirinayay xagaagii hore in ay u dhaqaaqaan ku guulaysta koobka qaramada Afrika xagaagii hore, laakiin waxa uu doortay in uu daacad u ahaado Napoli.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Luciano Spalletti ayaa halis ugu jirtay inay si xor ah ku waayaan Koulibaly 2023, waxaana Partenopei ay sidaas darteed aqbashay dalab 40 milyan euro ah (£ 34m) oo ay Chelsea ku dooneysay daafaca.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Sabti Ah 16-ka July
Next articleLisandro Martinez oo ku sugan England maanta si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here