
Xidhiidhka kubadda cagta UEFA ayaa soo saaray isku-aadka wareegga 16ka Champions League oo dib loogu celiyey kaddib markii ay dhaceen qaladaad kala badbaadiyey Manchester United iyo Atletico Madrid oo isku-beegmay, isla markaana isla doontay Manchester United iyo PSG.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhacday Atletico Madrid oo markii hore si qaldan ay u kala badbaadeen, laakiin Real Madrid ayaa af-libaax gashay oo ku beegantay Paris Saint-Germain, taas oo ka dhigan in Lionel Messi uu kusoo laaban doono Santiago Bernabeu iyo kooxda uu ugu jecel yahay inuu goolasha ka dhaliyo.
Liverpool iyo Inter Milan ayaa isku dhacay iyadoo ay isku-aadkii hore ee qaldamay ay kooxda reer England ee Liverpool ku beegantay RB Salzburg oo hadda Bayern Munich ay wada ciyaari doonaan.
Kulanka ugu adag ee wareegga 16ka Champions League ayaa noqday ciyaarta Real Madrid iyo PSG oo xilli ciyaareedkii 2019/20 wada ciyaaray marxaladdan oo kale, isla markaana ay PSG usoo gudubtay wareegga siddeedda.
Liverpool ayaa iyadana ay u tahay ciyaar ka adag middii ay hore uga heshay qori-tuurka hore ee qaladku ku yimid ee la kansalay, sababtoo ah, marka la isku eego awoodaha Inter Milan iyo RB Salzburg, waxa uu Jurgen Klopp jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Salzburg.
Waqtiga la ciyaarayo wareegga 16ka
Lugta Hore– February 15/16/22/23
Lugta labaad – March 8/9/15/16
Isku-aadka wareegga 16ka Champions League oo dhamaystiran
Chelsea vs Lille
PSG vs Real Madrid
Benfica vs Ajax
Sporting vs Man City
Salzburg vs Bayern Munich
Atletico Madrid vs Man Utd
Villarreal vs Juventus
Inter vs Liverpool
Be the first to comment