Home Wararka Ciyaaraha War Rasmi Ah: Isku-aadka Wareegga Afraad Ee FA Cup Oo lasoo Saaray,...

War Rasmi Ah: Isku-aadka Wareegga Afraad Ee FA Cup Oo lasoo Saaray, Chelsea oo ku aaday koox yar

0
Ad

Isku-aadka wareegga afraad ee tartanka FA Cup ayaa lasoo saaray oo ay ku dagaallami doonaan 32 kooxood oo ka kooban naadiyada Premier League iyo kuwa heerarka hoose. Afar kooxood oo kaliya ayaa ka hadhay naadiyadii Premier League ee ku jiray tartanka FA Cup.

Burnley oo ay reebtay Huddersfield Town, Newcaslte United oo tartanka ay ka tuurtay Cambridge, Watford oo sababsatay gacanta Leicester City iyo Leeds United oo tartanka macasalaamaysay markii ay West Ham garaacday.

Ad

Inta kale ee kooxaha Premier League ayaa iska xaadiriyey wareegga afraad marka laga reebo Manchester United iyo Aston Villa oo Axadda wada ciyaaraya iyo kulanka socda ee Arsenal oo natiijadiisu aanay soo bixin.

Chelsea iyo Manchester City ayaa Jimcihii iyo Sabtidii durduro kusoo dhaafay Chesterfield iyo Swindon, halka Brentford ay soo jiidhay Port Vale, isla  markaana ay Wolves saddex gool u dhiibtay Sheffield United. Naadiga ku dhibaatoonaya Premier  League ee Norwich ayaa heshay koox kasii liidata oo ah Charlton oo ay gool madi ah kaga soo badisay si ay ugu gudubto wareegga saddexaad.

Crystal Palace, Tottenham iyo Liverpool ayaa iyaguna isasoo xaadiriyey, sidoo kalena Brighton, Everton iyo Southampton ayaa iyaguna boosaskooda diyaarsaday.

Kulamada wareegga afraad ee FA Cup ayaa noqon doona hal lug oo kaliya, waxaana la ciyaari doonaa marka ay taariikhdu tahay February 5 iyo February 6.

Isku-aadka oo dhamaystiran:

Crystal Palace vs Hartlepool Utd

Bournemouth vs Boreham Wood

Huddersfield Town vs Barnsley

Peterborough Utd vs Queens Park Rangers

Cambridge Utd vs Luton Town

Southampton vs Coventry City

Chelsea vs Plymouth Argyle

Everton vs Brentford

Kidderminster Harriers vs West Ham Utd

Manchester Utd or Aston Villa vs Middlesbrough

Tottenham Hotspur vs Brighton and Hove Albion

Liverpool vs Cardiff City

Stoke City vs Wigan Athletic

Nottingham Forest or Arsenal vs Leicester City

Manchester City vs Fulham

Wolverhampton Wanderers vs Norwich City

Previous articleLiverpool Iyo Tottenham oo guulo gaaray una gudbay Wareega Afaraad ee FA Cup-ka, Natiijooyinka kulamada la Ciyaaray
Next articleNottingham Forest 1-0 Arsenal: Gunners oo laga Reebay Koobka FA Cup

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here