War Deg Deg Ah: Kooxda Barcelona oo Iska Ceyrisay Ronald Koeman

Dulqaadkii Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ugu dambeyntii dhamaaday, iyadoo maamulka kooxda ay shaqada ka xayuubiyeen macalinka reer Holland ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Rayo Vallecano.

Ka dib bilo la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa, guuldaradii Real Madrid ka soo gaartay Axadii El Clasico iyo guuldaradii ka soo gaartay Rayo ayaa noqotay Kulamadii ugu danbeeyay.

Majaladda MARCA ayaa ogaatay in Koeman uusan sii ahaan doonin tababaraha Barcelona, ​​iyadoo go’aanka uu qaatay wax yar kadib guuldaradii ka soo gaartay Vallecas.

Kooxda Catalans ayaa haatan isku dayi doonta in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu badasho tababaraha reer Holland iyada oo halyeyga kooxda ee Xavi Hernandez oo haatan ka tirsan kooxda Al Sadd ee dalka Qatar uu ugu cadcad yahay in uu qabto xilka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*