War Rasmi ah: Liverpool oo Shaacisay heshiiska xiddig weyn oo uu tababare Jurgen Klopp aad ugu farxay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay heshiiska xiddig weyn oo uu tababare Jurgen Klopp aad ugu farxay inuu qalinka ku duugay qandaraas muddo shan sannadood ah ku haynaya garoonka Anfield, isla markaana albaabada ka xidhaya naadiyadii hore u hunguraynayay laacibkan.

Liverpool ayaa ku dhawaaqday in maanta uu heshiis soconaya illaa sannadka 2027 uu saxeexay xiddiga khadka dhexe ee Harvey Elliott oo aqbalay heshiis cusub oo ay kooxdiisu u bandhigtay.

19 jirkan oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool ee loo carbinayo mustaqbalka ayaa qandaraaskiisa hore ay ka hadhsanaayeen 12 bilood oo kaliya, waxaana markii uu heshiiska saxeexay uu bixiyey waraysi uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu sannado badan oo kale sii joogayo Anfield.

Isaga oo la hadlayay website-ka Liverpool ayuu yidhi: “Mar walba way fiican tahay in aan halkan joogayo sannado badan oo kale, waa wax wanagsan in aan la joogo kooxdii carruurnimadayda, mana jiro wax adduunkan yaalla oo iiga farxad badan in arrintan.

“Wax weyyn ayay noo ahayd aniga iyo qoyskayga iyo xataa kooxdaba. Waxyaabo badan ayaa dhacay sannadihii aan halkan joogay. Waxa aanu ku guuleysanay waxyaabo badan, waxaananu rajaynaynaa in aanu guulo badan oo kale gaadhi doono.”

Harvey Alliott oo kulamo badan dhaawacyo ku seegay xilli ciyaareedkii hore, haddana markii uu soo laabtay ayuu wax badan kusoo kordhiyey naadigiisa, iyadoo sidoo kalena bilowga xilli ciyaareedka hore uu ahaa mid si joogto ah ugu soo bilowda ka hor intii aanu jibniin kuraanta ah kasoo gaadhin kulan ay la ciyaareen Leeds United.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*