War Rasmi ah: Maamulka Chelsea oo Xalay Si Rasmi ah loola wareegay ugu danbeyn

Kooxda Chelsea ayaa xalay dhaq-dhexe wakhti lama filaan ah si rasmi ah ugu dhawaaqday mulkiilaha cusub ee kooxdeeda oo noqonaya shaqsigii inta ugu badan loo saadaalinayay ee Todd Boehly.

Kooxda uu hormoodka u ahaa Boehly ayaa loo doortay inay noqdaan kuwa sida rasmiga ah ugala wareega mulkiyada Chelsea Raine Group oo sii hayay in mudo ah.

Boehly ayay mulkiyada Chelsea ku wehelinayaan oo ay shuraako kula yihiin shaqsiyaadka kala ah Mark Walter, Hansjorg Wyss iyo shirkadda maalgelinta ee Claerlake Capital.

Boehly oo Blues si rasmi ah ugula wareegaya 3.5 Bilyan pound ayaa tartanka kaga guuleystay Stephen Pagluica iyo Sir Martin Broughton si lamid ah ninka ugu qanisay UK oo dhan ee Sir Jim Ratcliffe oo isagu xilli dambe dalab qaali ah oo 4.25 Bilyan pound ah miiska soo saaray.

Chelsea ayaa Website-keeda rasmiga ah ku shaacisay in heshiis buuxa lala gaadhay mulkiilaha cusub ee ay kooxdu yeelan doonto.

Hubaanti la’aanta Chelsea ayaa ahayd mid in mudo ah soo jiitamaysay kaddib markii ay dawlada UK xayiraad saartay mulkiilihii kooxda ee Roman Abramovich oo lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay dagaalka dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*