War Rasmi Ah:- Manchester City oo dhameystirtay saxiixa Maximo Perrone

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dhameystirtay saxiixa xiddiga reer Argentina Maximo Perrone .

20-sano jirkaan ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u wareegayo Etihad, iyadoo qandaraaskiisa kooxda haatan ee Velez Sarsfield uu dhacayo December ee sanadkan.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa aragtay baacsiga Perrone oo adkaatay horaantii jiilaalkan, inkastoo Velez uu diiday dalab aan ku qanacsaneyn oo uga yimid kooxda Pep Guardiola .

Dalabka diidmada ah waxaa xaqiijiyay madaxweynaha kooxda Sergio Rapisarda , oo u sheegay Velez670 : “Waxaa jira qodobka ay ciyaartoydu fulin karaan. Waa inuu u bandhigaa qoraal Agremiados, AFA iyo kooxda fulinaysa qodobkan.”

ugu danbeyn Xidigan ayaa ku biiraya kooxda

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*