War rasmi Ah: N’Golo Kante, iyo Reece James oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee Kooxda Chelsea

Chelsea ayaa soo dhaweysay N’Golo Kante iyo Reece James oo ku soo laabtay tababarka buuxa ka hor kulanka Premier League ee ay isbuucaan la leeyihiin Brentford.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kante ayaa awoodi waayay inuu u ciyaaro xulka Faransiiska ee ku guuleystay Nations League fasaxii caalamiga ahaa ee Oktoobar ka dib markii uu ka soo kabsaday cudurka coronavirus.

Dhanka kale, James ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii uu uga soo kaban lahaa dhibaato canqowga ah oo ka soo gaartay kulankii Manchester City, taasoo keentay inuu seego kulankii Juventus iyo Southampton.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa xaqiijisay in labada ciyaaryahan ay u suurta gashay inay ku biiraan saaxiibadooda kulan Talaadada, laakiin waxaa la arki doonaa haddii loo arko inay diyaar u yihiin inay ku soo bilowdaan Sabtida.

James ayaa ku riyaaqay bilow wanaagsan xilli ciyaareedka cusub ka hor dhaawiciisa isagoo dhaliyay hal gool iyo afar caawin lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, halka Kante uu sidoo kale leeyahay hal gool lix kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Thomas Tuchel ayaa ka wal-walsan taam ahaanshaha Romelu Lukaku , madama weeraryahanka uu ka baxay xulka Belgium dhaawac muruqa uu dareemay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*