War Rasmi Ah: Ousmane Dembele oo diiday inuu Heshiishka u kordhiyo Barcelona

Weerar yahanka reer France ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Barcelona oo uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka bishan.

25-sano jirkaan ayaa la sheegay inuu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda Premier League ka ciyaarta ee Chelsea, isagoo weli sii wada inuu iska diido kooxda reer Catalan ka dib bilo wadahadalo qandaraas kordhin ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer France ayaa ku guuldareystay inuu ka soo baxo wixii laga filayey Catalonia tan iyo markii uu 120 milyan ginni uga soo wareegay Borussia Dortmund sanadkii 2017, iyadoo arrimo badan oo taam ah iyo edbin ay meesha ka saarayaan mustaqbalkiisa Nou Camp.

waxa uu si aad ah uga muuqday kooxda qeybihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka intii uu macalin u ahaa Xavi, laakiin taasi wax yar ayay ka badali kartaa go’aankiisa.

Sida laga soo xigtay saxafiga Santi Ovalle ee Cadena Ser show ‘Que t’hi jugues’, weeraryahanka Faransiiska ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee kooxda Catalan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*