Kooxda PSG ayaa shaqada ka cayrisay tababare Mauricio Pochettino kadib bilo la isla dhex marayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa kadib markii uu ku guul daraystay ku guulaysiga champions League.
Kooxda reer France ayaa ku guda jirta in ay isbedel weyn ku samaynayso kooxda kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Kylian Mbappe iyada oo weeraryahanka reer France la sheegay in uu saamayn cusub ku yeelan doono kooxda.
Tababarihii hore ee Tottenham ayaa ku guulaystay horyaalka Ligue 1 laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu qaado koobkii champions League ee ay kooxdu u baahnayd inkasta oo uu shax dhan walba ah ku lahaa Neymar, Lionel Messi iyo Mbappe.
Warbixin ay soo saartay, kooxda reer France ayaa lagu yiri: “Paris Saint-Germain waxay xaqiijineysaa in Mauricio Pochettino uu soo afjaray doorkiisii ​​kooxda. Waxaan jeclaan lahayn inaan uga mahadcelino Mauricio Pochettino iyo shaqaalihiisa shaqadooda waxaana u rajeyneynaa wanaag mustaqbalka.’