Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Bundesliga ee waddanka Germany ee xilli ciyaareedkii Sabtidii lasoo gabogabeeyey ee 2022/23 ayaa la shaaciyey, waxaana ku guuleystay laacibka da’da yar ee reer England ee Jude Bellingham.
19 jirkan ayaa Borussia Dortmund u dhaliyey siddeedgool, shan kalena caawiye ka noqday waxaana uu ka caawiyey in ay kaalinta labaad ku dhamaystaan iyadoo ciyaartii ugu dambaysay ay lumiyeen laba dhibcood oo sababay in Bayern Munich ay farqiga goolasha ku qaaddo horyaalka.
Jude Bellingham oo la filayo inuu u wareego Real Madrid, ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddiga RB Leipzig ee Christopher Nkunku oo qadatay kabta dahabka ah, kuna sii jeeda Chelsea oo xagaagii hore sii iibsatay iyo Jamal Musiala oo Bayern Munich ah.
Bellingham ayaa ka sokow bandhigga uu ka sameeyey horyaalka Bundesliga, waxa kale oo uu qaab ciyaareed fiican ka dhigay Koobkii Adduunka iyo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkii tegay.
Markii abaal-marinta la siiyey ayuu u mahad-celiyey ciyaartoyda kooxdiisa iyo shaqaalaha tababarka oo uu sheegay in la’aantood aanu heleen abaal-marintan shaqsiga ah oo ay iyagu udub dhexaad u ahaayeen.
Jude Bellingham ayaa waxa la sheegay in uu muddo hore heshiis shaqsi ah lasii gaadhay Real Madrid oo uu u saxeexayo illaa sannadka 2029, balse waxa hadda wada-hadalku u furmayaa labada kooxood oo ka heshiinaya qiimaha iibka laacibkan.