War Rasmi Ah: Zlatan Ibrahimovic oo heshiis cusub u saxiixay AC Milan

Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis cusub la gaaray AC Milan .

40-sano jirkaan ayaa ku qaatay labadii sano ee ugu dambeysay Rossoneri, si kastaba ha ahaatee, haatan waa wakiil xor ah ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa dhamaadka June.

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in Ibrahimovic laga yaabo inuu ka fariisto ciyaaraha sababtoo ah dhaawac halis ah oo jilibka ah, laakiin weeraryahanka ayaa u muuqda inuu sii wadan doono xirfadiisa ciyaareed ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

Sida laga soo xigtay The Sun , weeraryahanka ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub oo hal sano ah u saxiixo AC Milan kaasoo ka dhigaya inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Ibrahimovic uu ogolaaday inuu dhimo mushaarka si uu u sii wato xirfadiisa ciyaareed ugu yaraan xilli ciyaareed kale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*