War Xiiso Leh: Arsenal oo dalab cusub ka gudbisay Xidiga Dusan Vlahovic

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay la soo laabatay dalab lacageed oo la hagaajiyay oo ay ku dooneyso weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic .

Kooxo badan ayaa lagu tiriyaa inay xiiseynayaan 21 jirkaan qaab ciyaareedka fiican ku jira, kaasoo dhaliyay 20 gool 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa loo maleynayaa inay safka hore kaga jirto, inkastoo Vlahovic lagu soo waramayo inuu rajo ka qabin ku biirida Gunners maadaama aysan heysan kubada cagta Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa sheegeysa in Arsenal ay diidan tahay inay ka tanaasusho baacsiga ay ku dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia isla markaana ay dalab cusub oo lacag ah ka gudbisay adeegiisa.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kooxda Mikel Arteta ay gudbisay dalab 50 milyan ginni ah oo lagu daray Lucas Torreira , kaasoo haatan amaah kula jooga Fiorentina.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta xoojinta weerarka sababtoo ah mustaqbalka aan la hubin ee Pierre-Emerick Aubameyang , Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah .

Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay soo gabagabeyso heshiiska Vlahovic bishaan, laakiin waxaa lagu qasbi karaa inay sugaan ilaa xagaaga hadii Fiorentina ay ku adkeysato qiimaha ay ku dooneyso.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*