War Xiiso Leh: Pogba oo ku Sugan Turin si uu u dhameestiro ku biirista Juventus

Juventus ayaa dooneysa inay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba maanta.

Qandaraaskiisa ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, Pogba ayaa horey u heshiiyey heshiis seddex sanno ah Juve ka dib markii uu tijaabada caafimaadka ku maray Miami.

Waxay la macno noqon doontaa ku laabashada Juve lix sano ka dib markii uu United ugu dhaqaaqay heshiis 100 milyan euro ah.

Pogba ayaa qarka u saaran inuu la kulmo madaxda Juve Khamiista maanta si uu u soo gabagabeeyo ku soo laabashadiisa Turin, halkaasoo uu hore u qaaday afar horyaal oo Seria A ah iyo labo Coppa Italia isagoo gaaray finalka Champions League, sida ay qortay Daily Mail .

Pogba ayaa aqbalay dhimista mushaarkiisa United si uu ugu biiro Juve, iyadoo shuruudaha lagu sheegay inuu ku kacayo 9 milyan oo euro sanadkii taasoo sare u kaceysa 11 milyan euro sanadkii oo ay ku jiraan gunnooyin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*