War Xiiso Leh: Raphinha oo tijaabada caafimaadka u mari doona Barcelona 24 saac ee soo socda

Weeraryahanka Leeds United Raphinha ayaa lagu soo waramayaa inuu tijaabada caafimaadka u mari doono Barcelona Arbacada ka hor inta uusan dhameystirin heshiiskiisa Camp Nou €58m (£49.2m).

Kooxda reer Catalan ayaa lagu xamanayaa inay heshiis la gaartay kooxda ka dhisan Premier League si ay ula saxiixato 25 jirkaan heshiis gaaraya 68 milyan euro (£ 57.7m) oo lagu daray waxyaabo dheeri ah .

Chelsea ayaa sidoo kale dalab ku aadan Raphinha ka aqbalay Leeds, laakiin Barca ayaa u muuqata inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka reer Brazil, kaasoo haatan ku sii dhowaanaya inuu dhameystiro riyadiisa ku aadan gobolka Catalonia.

Tababaraha Leeds Jesse Marsch ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo kula jirto Barca oo ku saabsan u wareejinta Raphinha ee kooxda ka dhisan La Liga, waxaana ninka Mareykanka ah uu rajeynayaa in heshiiska “uu socon doono maalinta xigta ama labada maalmood ee soo socda”.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Isbaanishka ee COPE , iyo mida The Sun , Raphinha ayaa u duuli doona Spain Arbacada wuxuuna la kulmi doonaa madaxda Barca ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka u marin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*