
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Manchester City ayaa qarka u saaran inay xoojiso wada xaajoodyada qandaraas kordhinta ee Raheem Sterling – sida laga soo xigtay The Telegraph .
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay Juventus kula dagaalanto saxiixa xiddiga Ajax ee Ryan Gravenberch – sida laga soo xigtay Calciomercato .
Real Betis ayaa diiday dalab uga yimid Trabzonspor oo ku aadan Cristiano Tello, AS
Daafaca Arsenal Pablo Mari ayaa laga yaabaa inuu ku laabto Flamengo sida ay warineyso The Sun.
Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba isha ku haya weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette – sida laga soo xigtay Calciomercato .
Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa in ay Ralf Rangnick u magacawdo tababare ku meel gaadh ah ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan warbaahinta qaarna waxya ku waramayaan in la magacaabay , sida ay xaqiijisay GOAL .
Alessio Romagnoli ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo AC Milan. Calciomercato
Roma ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub ka saxiixdo Jordan Veretout, sida ay ku warameyso Tuttomercatoweb .
Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Basel Arthur Cabral, GOAL
Manchester United ayaa kula tartami doonta Juventus, Tottenham iyo Newcastle saxiixa xiddiga Fiorentina Dusan Vlahovic, sidaas waxaa qortay Daily Mail .
Be the first to comment