Warar Suuqa Kala Iibsiga: Kuwa laga qoray Aguero, Pogba, Salah, Ramos, Van de Beek, Bissouma, iyo Abraham

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Everton ayaa ku biirtay kooxaha Chelsea, Leeds United, Tottenham, Barcelona iyo Inter Milan iyaga oo doonaya saxiixa weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero kaas oo si xor ah lagu heli doono marka uu ka tago kooxda Man City xagaaga. (DailyStar)

Manchester United ayaa iska iibin doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba xagaagan hadii 28 jirkaan uusan qandaraas cusub u saxiixin. (Thesun)

Weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah ayaa sheegay in Liverpool aysan kala hadlin heshiis kordhintiisa kooxda, iyadoo 28 jirkaan qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2023. (Sky Sports)

Manchester United ayaa diidi doonta dalab kasta oo u yimaada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Donny van de Beek, 24, xagaagan. (Thesun)

Arsenal ayaa rumeysan inay ku soo qaadan karaan 24-jirka Brighton iyo qadka dhexe ee Mali Yves Bissouma qiimo dhan £ 30m. (DailyStar)

AC Milan ayaa isha ku heysa weeraryahanka Chelsea iyo England Tammy Abraham, 23, oo sidoo kale ay dooneyso West Ham (Standard)

Tababaraha ka tagaya Bayern Munich Hansi Flick ayaa doonaya inuu noqdo tababaraha Jarmalka markii Joachim Low uu baxo ka dib Koobkii qaramada Yurub ee xagaagan mana xiiseynayo inuu qabto shaqada Tottenham. (Sport1)

Daafaca reer Spain Sergio Ramos, oo 35 jir ah, ayaa weli rajeynaya inuu qandaraaska u kordhiyo labo sano oo Real Madrid ah, kuwaasoo kaliya u soo bandhigay qandaraas hal sano ah oo uu kula socdo dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee xagaagan. (Marca)

Goolhayaha reer Talyaani Gianluigi Donnarumma qandaraaska uu kula jiro kooxda AC Milan ayaa dhacaya xagaaga iyadoo wakiilkiisa, Mino Raiola, uu wadahadalo la yeeshay Juventus oo ku aadan 22 jirkaan inuu ku biiro. (Calciomercato )

Maamulaha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa asaga oo sheegay in uu la hadlay milkiilayaasha kooxda “wal wal kama qabo marka ay timaado shaqadeyda”. (Goal)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diyaar u ah inuu siiyo 21 jirka qadka dhexe ee reer England Joe Willock oo amaah ugu ciyaara kooxda Newcastle United fursad uu isku muujiyo Gunners. (Gazzet)

Arteta ayaa sidoo kale sheegay in Arsenal “ay wadahadalkaas yeelan doonto” marka ay timaado kordhinta qandaraaska 20 jirka reer England Emile Smith Rowe ee kooxda. (Sky Sports)

Aston Villa ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 23 jirka daafaca dambeedka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester United Axel Tuanzebe, kaasoo horey amaah ugu soo qaatay kooxda Midlands. (Footballinsider247)

Wakiilka daafaca reer Spain Eric Garcia ayaa qarka u saaran inuu heshiis la gaaro 20 jirkaan oo si bilaash ah ugu biiraya Barcelona ka dib markii qandaraaskiisa Manchester City uu dhacayo xagaaga. (Mundo Deportivo)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*