Home Warar Ciyaaraha Maanta Wararka Dheeri Ah PSG oo Qorsheeneysa inay lasoo wareegto Bruno Fernandes iyo...

Wararka Dheeri Ah PSG oo Qorsheeneysa inay lasoo wareegto Bruno Fernandes iyo Sancho

0

PARIS SAINT-GERMAIN ayaa qorsheyneysa inay si lama filaan ah ula wareegto Bruno Fernandes iyadoo Manchester United ay weli u xiran yihiin wadahadalada suuqa kala iibsiga.

Kooxda Premier League ka dhisan ee United ayaa durba mashquul ku aheyd suuqa xagaaga, waxaana ay Bologna kaga soo iibsadeen weeraryahanka reer Holland Joshua Zirkzee 36.5 milyan ginni.

Taas waxaa ku xigtay inay 52 milyan ginni kula soo wareegeen Leny Yoro.

Erik ten Hag ayaa doonaya inuu sii xoojiyo kooxdiisa wuxuuna bartilmaameed sare ka dhigtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG Manuel Ugarte.

23 jirka reer Uruguay ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ku ciyaarta Old Trafford laakiin lacagta ayaa wali ah mid taagan.

Dhanka kale, Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaaray PSG si uu ugu dhaqaaqo dhanka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here