Home Suuqa Kala iibsiga Wararka Kala Iibsiga Suuqa Maantay oo Sabti ah 20ka Bisha Todobaad

Wararka Kala Iibsiga Suuqa Maantay oo Sabti ah 20ka Bisha Todobaad

0

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u ogolaato weeraryahanka Brazil Antony, oo 24 sanno jir ah inuu amaah ku baxo xagaagan, laakiin waa haddii koox ay diyaar u tahay inay bixiso 70,000 oo ginni mushaharkiisa todobaadkii. (ESPN)

Barcelona ayaa u gudbisay qorshayaal qandaraas lix sano ah wakiillada Spain iyo RB Leipzig ee Dani Olmo, 26. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Crystal Palace ayaa diyaar u ah inay 30 milyan ginni ku dalbato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal iyo England Emile Smith Rowe, oo 23 jir ah (Talksport)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Sergi Roberto, oo 32 jir ah, ayaa ka shaqeynaya inuu u dhaqaaqo Premier League ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Barcelona . (Mundo Deportivo – in Spanish)

Chelsea ayaa dib ugu yeertay 20-jirka khadka dhexe ee Lesley Ugochukwu oo ka tirsan xulka Faransiiska ee Olombikada xilli ay qorsheynayaan inay amaah ku qaataan xilli ciyaareedkan. (Athletic – subscription required)

Dhanka kale Chelsea ayaa doonaysa in ay gool haye cusub la soo wareegto 26 jirka reer Spain ee Robert Sanchez si ay u hesho booska 1-aad. (Telegraph – subscription required)

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso goolhayaha 25 jirka ah ee Republic of Ireland Caoimhin Kelleher hadii ay dalab ku haboon ka helaan. (Football Insider )

Weeraryahanka Brazil Richarlison, 27, ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Saudi Pro League laakiin naadigiisa haatan ee Tottenham ayaa dalban doonta 60 milyan ginni. (HITC).

Leicester ayaa dalab 21 milyan ginni ah ka gudbisay garabka Juventus Matias Soule, oo 21 jir ah, waxaana ay rajeynayaan inay soo afjaraan heshiiska xiddiga reer Argentina toddobaadka soo socda. (Telegraph)

Newcastle ayaa rajeyneysa inay West Ham iyo Juventus ku garaacdo saxiixa daafaca France Jean-Clair Todibo, oo 24 jir ah, ka dib markii ay wadahadal la yeesheen Nice. (HITC)

Chelsea ayaan weli ka quusan baacsiga ay ugu jirto weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen, oo 25 jir ah, inkastoo Paris St-Germain ay tahay kooxda ugu cad cad ee weeraryahanka Nigeria.(cought Offside)

Crystal Palace ayaa wadahadalo hordhac ah la qaadatay Marseille oo ku saabsan suurtogalnimada saxiixa 26 jirka garabka uga ciyaara Senegal Ismaila Sarr. (Athletic – subscription required)

Chelsea ayaa Newcastle ka heshay xiriir ku saabsan helitaanka 22 jirka garabka uga ciyaara England Noni Madueke. (Football Insider)

Liverpool iyo Newcastle ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya daafaca reer Holland Dean Huijsen, oo 19 jir ah, laakiin Juventus oo ku qiimeysay 25.3 milyan ginni ayaa caqabad ku noqon karta. (Tuttosport – Talyaani)

Brighton ayaa isha ku haysa inay horumariso wada xaajoodyada ku saabsan 20 jirka garabka ka ciyaara ee Jarmalka Brajan Gruda oo u dhashay Mainz . (Fabrizio Romano)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sheffield United Gustavo Hamer, oo 27 jir ah, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa heerka labaad, waxaana ciyaaryahanka reer Brazil uu isha ku hayaa dhowr kooxood oo Premier League iyo Serie A ah. (Teamtalk).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here